Taliska Ciidanka Midowga Afrika Ee Amisom Oo War kasoo Saaray Dilkii Almaaas Elman

0

Taliska ciidanka midowga Afrika ee AMISOM ayaa war uu soo saaray waxa uu ku sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya iyo ciidanka amaanka uu kala shaqeyn doono baaritaan buuxa oo lagu sameeyo dilkii  20 kii bishaan loo geestay marxuumad Almaas Elman cali taas lagu dhex toogtay xarunta Xalane ee magaalada Muqdisho.

AMISOM Waxa ay xaqiijisay in ay ugeeriyootay xabad ku dhacday Almaas xilli ay kasoo baxday Shir  ay uga qeyb gashay xarunta Xalane, islamarkaana ay dooneysay in ay aado garoonka Aadan Cadde si ay ugu ambabaxdo magaalada Neyroobe ee dalka kenya,Amisom waxa ay cambaareyneysaa dilkii arxan darada ahaa ee loo geeystay Almaas Elman.

AMISOM waxay si wada jir ah ula shaqeyneysaa Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo ciidamada amniga Soomaaliya si ay si buuxda ugu baaraan geerida naxdinta laheyd ee ku timid Marwo Almaas Elman Cali Axmed, oo ku dhacday rasaas 20-kii November ka dhacday xerada Xalane ee magaalada Muqdisho” ayaa lagu yiri Warka kasoo baxay AMISOM.

Almaas Elman waxa ay aheyd Samafal u dhaqdhaqaaqa dadka Majirto cid sheegtay dilka Almaas Elmaan iyo waliba Dad loo soo qabtay.