Shirka Golaha Amaanka ee Q. Midoobe oo diirada lagu saaray Doorashooyinka iyo Xiriirka Somaliya iyo Kenya

0

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa Caawa kulan ka yeeshay xaaladda Soomaaliya, kaa soo ka dhacaya Xarunta Qaramada Midoobay eemagaalada New York.

Sida wararku sheegayaan, waxaa fadhigan khudbado ka jeediyay masuuliyiin uu ka mid yahay Wakiilka Gaarka ah ee Qaramaada Midoobay ee Soomaaliya, James Swan; Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya, Ambassador Francisco Madeira; Guddoomiyah Guddiga Madaxabanaan ee Doorashooyinka Soomaaliya, Xaliimo Ismaciil iyo Guddoomiya Bulshada Rayidka ah Cusman Macallin.

Wakiilka Qaramada Midoobe ee arrimaha Soomaaliya oo khudbad ka jeedinayey shirka ayaa xusay horumarka Soomaaliya ay ka gaartay deyn-cafinta, Qorshaha cusub ee Horumarinta Qaran, Ciidamada Qaranka Soomaaliya oo dhul cusub qabsanaya iyo dib u soo celinta xiriirka Kenya iyo Soomaaliya.

“Hiigsiga ajendaha 2020, waxa uu u baahnaan doonaa wada-oggol siyaasadeed oo qoto dheer,” Ergayga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, James Swan, ayaa u sheegay Golaha Ammaanka, isaga oo hoosta ka xariiqay sida ay muuhiimka u tahay in Baarlamaanka Soomaaliya uu meel mariyaan sharciga doorashada iyo meel-marinta wax kabadalka sharciga xisbiyada siyaasadda ka hor dhammaadka Diseember si looga fogaado wax kasta oo khatar gelin kara wakhtiga loo qabtay doorashada 2020.