Muxaadarada Sheekh Umal ee Muqdisho oo dib loo dhigey

0

Muxaadaro lagu waday in maanta uu ku qabto garoonka kubbada cagta ee Inj Yariisow ee magaalada Muqdisho Sheekh Maxamed Cabdi Umal ayaa dib loo dhigey.

Sheekh Maxamed Cabdi Umal ayaa sheegay in maalinta Axadda la qaban doono muxaadarana sababta dib looga dhigayna ay tahay in dowladda maanta ay Ku mashquulsantahay aaska loo sameynayo gabadhii dhawaan lagu dilay xerada Xalane, Almaas Eman.

Muxaadarada Sheekh Cabdi Umal ayaa waxaa uu ku soo qaadan lahaa arrimo la xiriira masiibooyinka iyo markii ay dhacaan sida loola tacaalo.

Hase yeeshee,muxaadarada ayaa waxaa ka soo horjeestey Sheekh Cabdulqaadir Sheekh Maxamed Sheekh Abuubakar (Sheekh Soomow) – Afhayeenka Golaha Guud ee Culimada Soomaaliya, kaas oo Sheekh Umal ku eedeeyay inuu faafaafiyo xagjirnimada, arrintaas oo uu Sheekh Umal ku tilmaamay mid aan sax ahayn ah.

Sheekh Umul waxaa uu sidoo kale sheegay in muxaaradada ay ka warheyso dowladda isla markaasna uu bulshada u gudbinayo wanaaga.