Guddoomiyaha Luuq oo sheegay inuusan aqoosaneen maamulka Jubbaland

0

Maxamed Cabdullahi  Gardhuub guddoomiyaha degmada Luuq oo la hadlay BBC-da ayaa waxaa uu sheegay in uusan hoostagin maamulka Jubbaland oo marka horeyba uu u soo magacaabay xilka uu hayo haatan.

Guddoomiye Gardhuub ayaa shaaca ka qaaday in inta laga helayo maamul Jubbaland oo loo dhanyahay, lana aqoonsanyahay ka hor ay hoostagayaan wasaaradda arrimaha gudaha ee xukuumadda soomaaliya.

Sidoo kale Guddoomiyaha Degmada Luuq ayaa kamid ahaa guddoomiyeyaashii loo ka xeeyay dalka ithoobiya, mar wax laga weydiiyay diidmadiisa ku aaddan Jubbaland ay la xiriirto safarkii loogu qaaday Itoobiya ayaa waxa uu sheegay in meeshii ay rabaan u safri karaan, islamarkaana aan lagu cadaadinin in ay ka soo horjeestaan maamulka Jubbaland.

Khilaafkii ugu xumaa ayaa haatan waxaa uu u dhexeeyaa dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Jubbaland.