Dowladda Talyaaniga Gurmad Ufidisay Dadkii ay Saameeyeen Fatahaadaha

0

Diyaarad weyn oo sidda gargaar loogu tala galay dadka fatahaadaha iyo daadadka roobku saameeyeen ayaa goordhaw soo caga dhigatay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde taas oo toos uga timid dowladda Talyaaniga waxaana uu noqonayaa gurmadkii ugu horeeyay ee dowlad Yurub ah ay toos ugu wareejiso dowladda Soomaaliyeed.

Waxaa wali dhibaateesan dadkii ay saameeyeen fatahaadaha dalka kadhcay iyadoona ay wali socoto caawinaada dadkaas.