Akhriso:-Qodob ka mid ahaa heshiiskii madaxda kenya & somaaliya oo aan dhaqangelin

0

Todobo maalmood kaddib heshiiskii Magalaada Nairobi ay ku kala saxiixdeen Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya ayaa wali dhaqangelin kaas oo la xiriira duullimaadka diyaaradaha.

Qodobada ay ku heshiiyeen labada Madaxweyne si loo soo celiyo xiriirkii diblomaasiyadeed waxaa ka mid ahaa in muddo todobaad gudaheed ah diyaaradaha Muqdisho iyo Nairobi ay noqdaan kuwo toos isaga kala goosha oo laga joojiyo maritaanka Wajeer.

Hayeeshee Hay’adda Duulimaadka Hawada KCAA ee Dalka Kenya ayaa sheegeysa in aysan wali helin amarka la xiriira in ay fasaxaan diyaaradaha Muqdisho iyo Nairobi.

Agaasimaha hay’adda KCAA Gilbert Kibe, ayaa sheegay in ilaa hadda aysan ogeysiis siinin diyaaradaha isaga kala goosha Muqdisho iyo Nairobi kaas oo toos noqonaya waxaana uu sababta ku sheegay in hay’addooda aysan wali soo gaari warqadda fasaxa.

Gilbert Kibe, ayaa xusay in sida ugu dhaqsiyaha badan u fulinayaan amarka Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta marka ay warqaddaasi soo gaarto hayeeshee inta ay ka soo gaareyso uu sidiisa ahaanayo.

Lix bilood ayaa ka soo wareegtay markii ay Kenya xayiraad saartay isu socodka diyaaradaha Muqdisho iyo Nairobi ee tooska ahaa qasabna ka dhigtay in la maro Wajeer si baaritaan loo maro.

14kii Bishan ayey ku heshiiyeen labada Madaxweyne dib u soo celinta xiriirka labada waddan iyada oo qodobka duullimaadka uu ahaa kan ugu waqtiga dhow oo todobaadkii loo qabtay maanta ku egyahay hase ahaatee diyaaradaha wali marayaan Wajeer.