Taliyihii Ciidamada Nabadsugida Waqooyiga Gaalkacyo oo la dilay

0

Wararka ka imanaya magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa sheegaya  in lagu diley waqooyiga magaalada gaalkacyo taliyihii ciidamada nabadsugida maamulka Puntland ee gobolka Mudug Col Xaashi Aadan Cilmi.

Dilka taliyaha oo la sheegay inay ka dambeeyeen koox ku hubeysan bastoolado ayaa ka dhacay xaafad lagu magacaabo Suuq Barwaaqo oo ku taal Waqooyiga Gaalkacyo.

Kooxdii  hubaysnayad ee dilka taliyaha ka dambeysay ayaa ka baxsaday goobta uu dilku ka dhacay iyadoo  xaafada dilku ka dhacay baaritaano ay ka sameeyeen ciidamada amniga.

Ururka Al-Shabaab ayaa sheegtay inay ka dambeeyeen dilka taliyihii hore ee nabadsugida ee Puntland ee gobolka Mudug.