Dhaq Dhaqaaqyo Ciidan Oo Ka Socda Deegaanka Af-Urur

0

Wararka naga soo gaaraya gobolka Bari ayaa sheegaya in saaka dhaq dhaqaaqyo ciidan laga dareemayo deegaanka Af-Urur ee gobolkaasi.

Dhaq dhaqaaqyada ayaa timid, kadib markii shalay ciidamada Puntland iyo dagaalyahannada Al-Shabaab ay ku dagaalameen halkaasi.

Labada dhinac ayaa guulo ka kala sheegay dagaalkaasi oo la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Saraakiisha ciidanka Puntland ee ka howlgala Af-Urur ayaa sheegay inay dileen illaa shan ka tirsanaa Al-Shabaab, islamarkaana ay dhaawaceen tiro intaasi ka badan.

Dhanka kale war ka soo baxay Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in weerarkaasi iyo dagaalka xigay ay ku dishay 3 askari, kuna dhaawacday 6 kale, sida ay hadalka u dhigtay.