Akhriso:-Dagaalo Xoogan Oo Ka Dhacay Shabeelaha Hoose

0

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dagaallo maanta ka dhacay qeybo ka mid ah gobolka Shabeelaha Hoose ee koonfur Galbeed Soomaaliya.

Dagaalka koowaad oo ku bilowday weerar ay qaadeen dagaalyahannada Al-Shabaab ayaa ka dhacay deegaanka Ceel Saliini ee gbolkaasi.

Ilo deegaanka ah ayaa warbaahinta u sheegay in dagaal socday saacado badan oo labada dhinac uu ku dhexmaray halkaasi.

Dhinaca kale agagaarka degmada Awdheegle ayaa waxaa ka dhacay dagaal kale oo u dhexeeyey ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab, kaas oo isna muddo qaatay.

Al-Shabaab oo ka hadashay dagaalladaasi ayaa guulo ka sheegatay, mana jiro wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha ciidanka dowladda oo ku aadan weeraradaasi.