Akhriso:-Dadka Garsoorka U Doonta Al-shabaab oo Digniin Culus Loo Diray

0

Wasiirka wasaaradda cadaalada Soomaaliya, Abuukaate Xasan Xuseen oo u warramay warbaahinta ayaa ka hadlay arrimaha Garsoorka dalka, gaar ahaan maxkamadaha.

Ugu horreyn wasiirka ayaa ugu baaqay dadka shacabka inaysan  u cadaalad doonan Al-Shabaab, islamarkaan ay ku kalsoonaadaabn hay’adaha garsoorka  Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay wadaan qorshayaal guud oo lagu hormarinayo hay’adaha garsoorka dalka.