SAWIRRO:-Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya oo shir muhiim ah uga qayb galay Qaahira

0

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada  Soomaaliya, Maxamed Cabdillaahi Salaad Oomaar, ayaa Magaalada Elexandria ee Dalka Masar waxa uu kaga qeyb galay shirka Wasiirrada Gaadiidka Dowladaha Carabta.

Shirkan oo ahaa mid ay Sanadkiiba mar yeeshaan Wasiirrada Gaadiidka ee Waddamada ku jira  Jaamacadda Carabta ayuu ajendihiisu ahaa sidii ay Dowladahaasi u adkayn lahaayeen xiriirkooda ku aaddan xoojinta iskaashiga Gaadiidka.

Kulanka ayaa lagu go’aamiyay in Dowladda Falastiin laga caawiyo dhaqaalaha Gaadiidka, in hay’adda socdaalka Adduunka ee IOM ay Xafiis ka furato Magaalada Qaahira, in laysla qaato shuruucda ay dhowaan midowga Yurub kasoo saareen duulista Hawada iyo qodobbo kale.

Wasiirka Oomaar ayaa soo jeedinta Wasiirrada Gaadiidka Carabta kalsooni u muujiyay, isaga oo sheegay in mar waliba ay Dowladda Soomaaliya ka go’an tahay Garab istaagga walaalahood reer Falastiin .

Sidoo kale Oomaar iyo dhiggiisa Dalka Masar ayaa ka wada hadlay in Labada Wasaaradood ay si gaar ah isaga kaashadaan horumarinta Gaadiidka.