Hogaamiye Ku Xigeenka Jubbaland oo gaaray Gobolka Gedo

0

Hogaamiye ku xigeenka maamulka Jubbaland  Maxamuud Sayid Aadan, saraakiil ciidan  iyo xubno kamid ah Golaha wasiirrada maamulkaasi ayaa maanta gaaray Degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo

Garoonka diyaaradaha degmada Ceelwaaq ayaa waxaa kusoo dhaweeyey  madaxweyne ku xigeenka iyo xubnihiisa safarka ku wehliya ,maamulka degmadda iyo taliska ciidanka Jubbaland ee ka howlgalla degmada Ceelwaaq.

Maxamuud Sayid Aadan  ayaa inta uu ku sugan yahay degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo, waxa uu kulamo kala duwan la qaadan doonaa, waxgaradka iyo bulshada qaybaheeda kala duwan ee degmada Ceelwaaq.