DHAGEYSO:-Askar Lagu Tababaray Turkiga Oo Muqdisho Soo Gaarey

0

Cutubyo kamid ah ciidamadda lagu soo tababaray dalka Turkiga ayaa soo gaarey magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho.

Askarta oo tiradooda ay gaareyso 500 ayaa waxaa soo dhaweeyay xubno ka tirsan labadda Gole ee xukuumadda federaalka ah.

Saraakiishan oo kolkii horey lagu diyaariyey xerada Turkisom ee Muqdisho ayaa Turkiga kusoo qaatay tababaro kala duwan oo ciidanka ah.

Ciidamadda cusub ayaa la sheegay in ay ku biiri doonan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda gobolada duwan ee waddanka.

Turkiga ayaa kamid ah wadamada sida baaxada leh u caawiya Soomaaliya gaar ahaan dhanka dhismaha ciidamadda, siyaasada iyo maaliyada.