AKHRISO:- Heshiis Xabad Joojin Ah Oo Ka Dhaqangalay Marinka Gaza

0

Heshiis xabad joojin ah, oo lagu dhameynaayo dagaal socday laba maalmood oo galaftay nolosha 32-ruux,ayaa ka dhaqan-galay waaberigii saaka Marinka Gaza,sida laga soo xigtay ilo laga helay Masar iyo saraakiil ka tirsan Ururka Islamic Jihaad,

Heshiiska Xabad joojinta ayaa yimid ,ka dib kolkii Ururada Falastiin iyo ciidamada Isra’il ay isweydaarsadeen gantaallo iyo duqeyn xaggga circa ah oo ka dhacay Marinka Gaza iyo konfura Isra’il.

Heshiiska xabad joojinta oo ay soo qaban qaabiyeen xukuumadda Masar oo gacab ka helaya sarakiil ka socday Maeykanka,waxaa taageeray qeybaha ururada Falastiin, oo ay ku jirto kooxda Islaamic Jihaad.

Heshiiska ayaa dhigaya in kooxaha Falastiiniyiinta ay waajib ku tahay inay hubiyaan xabad joojinta iyo xasilloonida Qaza, halka Israel laga doonayo inay joojiso cadaawadda ayna hubiso xabbad-joojinta inta lagu guda-jiro banaanbaxyada Falastiiniyiinta.

Lix xubnood oo ka tirsan qoyska marxuum Abu Malhous ,isla markaana ay ku jireen 3-caruur ah iyo laba haween ah,ayaa lagu dilay duqeyn laba cisho ka hor ay fuliyeen diyaaradaha Isra’il,kaas oo ka dhacay deegaanka Deir al-Balah oo dhaca koonfurta Marinka Gaza.

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here