DHAGEYSO:-Dad Musuqmaasuqay Gargaar Oo Cadaalada La Marsiinayo

0

Dowlad goboleedka HirShabelle ayaa ku dhawaaqay in uu cadaaladda marsiinayo dad musuqmaasuqay gurmadka Beledwayne.

Gudoomiye ku xigeenka arrimaha bulshadda gobolka Hiiraan ayaa wuxuu u digay qof walba oo ku fekeraya in uu wax is-dabamarin sameeyo.

Sheekh Xuseen Cismaan Cali ayaa si cad u sheegay in ciidamadda ay dabagal badan ku sameyn doonan shaqsiyaad laga shakisan yahay.

Tani ayaa kusoo aadeysa markii shalay la qabtay laba qof kuwaas oo leexsaday gurmad loo waday shacabka dhibaateysan ee Beledwayne.