BIG NEWS:-Guddoomiye Iyo Ku-Xigeekiisa Oo Lagu Dilay Duleedka Degmada Balcad

0

Wararka Laga Helayo duleedka Degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in halkaas xalay lagu dilay Guddoomiyihii  iyo Guddoomiye ku-xigeenkiisa deegaan lagu magacaabo Cadayga.

Dadka deegaanka ayaa  sheegay in la dilay Guddoomiyihii deegaanka Cadayga Cabdulle Xasan Xaaji iyo ku xigeenkiisii Cilmi Qooje Xasan, iyagoona labadooda Mas’uul ka deegaanka Cadayga oo ka tirsan Degmada Balcad.

Rag hubeysan ayaa labada Mas’uul ugu tegay deegaanka, isla markaana ka soo watay, iyagoona ugu dambeyntii lagu dilay duleedka Degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.