DHAGEYSO:-BF Soomaaliya Oo Baaq Kasoo Saarey Gargaarka Daadadka

0

Xubno kamid ah baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa magaaladda Beledwayne kulamo kula yeeshay Xildhibaanadda HirShabelle.

Mudaneyaasha ayaa kulamadooda diiradda ku saarey xaaladihii u dambeeyay ee magaaladda gaar ahaan dhinaca gurmadka fataahadaha.

Sharcidejiyeyaasha federaalka ayaa ku booriyey qaybaha ay u quseyso in musuqmaasuqa laga ilaaliyo gurmadka loo fidinayo shacabka.

Ciidamadda ammaanka ayaa la faray in ay gacanta ku dhigaan cid kasta oo ay ku qabtaan in ay is-dabamarin ku sameyneyso gargaarka.