DAAWO:-Jabhada ONLF oo magaalada Godey Kusoo Bandhigtay Saamaynta ay leedahay

0

Jabhada ONLF ayaa magaalada Godey waxay ku Qabsatay Shirwaynaha Afraad ee ONLF, Kaasi oo markii ugu horaysay si Nabad gelyo ah oo daah furan ay ugu Qabsadeen Gudaha Itoobiya.

Waxaa shirkan ka qayb galay Wufuud ka soctay Soomaaliya, Jabuuti iyo Weliba dawlad deegaanka Soomaalida, waxaana hadalo ka jeediyey Madaxda ugu saraysa ee Jabhadda ONLF.

Dhinaca kale waxaa halkaasi ka hadlay Xildhibaan Sakariye oo kamid ah Baarlamaanka Soomaaliya, Isagoo u jeediyey Dar-daaran kala duwan Hogaanka Jabhadda.

Jabhadda ONLF oo markii hore Halgan dagaal ku jirtay, ayaa hada go’aansatay inay Qalinka iyo Si Nabad gelyo ah Xaquuqda dadka deegaanka ku Raadiso, Waxaana shirkan ay muujisay Saamaynta iyo Cududa ay ku leeyihiin deegaanka Soomaalida.