AKHRISO:- Guddoomiye Cumar Filish oo safarkii u horeeyay ugu ambabaxay dalka Koofur Afrika

0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa safarkii u horeysay caawa uga ambabaxay dalka Koofur Afrika.

Guddoomiye Cumar Filish ayaa u ambabaxay magaalada Durban ee dalka Koofur Afrika, halkaasoo uu uga qeyb galayo Shirka Caalamiga ee Baarlamaanada Barasaabyada Global Parliament of Mayors (GPM).

Safarka Guddoomiyaha ayaa waxaa ku wehliya Xoghayaha Guud ee Gobolka Banaadir Cumar C/risaaq iyo xubno kale

Waa safarkii u horeeyay ee Guddoomiyaha Gobolka Banaadir u ambabaxo, tan iyo markii loo magacaabay xilka labo bil ka hor.