Dowladda Federaalka Oo Ciidamo Geysay Degmada Matabaan

0

Taliska ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa Ciidamo Booliis ah geeyey Degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan, waxaana hada si toos Howlihiisii Shaqo u bilaabay Saldhigga Booliiska Degmadaasi si Bulshada loogu Adeego.

Dowladda ayaa sheegtay in Ciidamada la geeyay Degmada Matabaan ay yihiin kuwa ku filan sugida amniga degmadaas, isla markaana  shacabka ugu baaqday inay la shaqeeyan Ciidanka Booliska.

8 maalmood ka hor ayeey dowlada Soomaaliyeed si rasmi ah ula wareegtay gacan ku heynta degmada Matabaan kadib mudo ay halkaasi maamulayay maamulkii Ahlusuna ee dowlada ku biiray.