DAAWO:-Kacdoono Puntland Lagu diidan yahay oo ka Bilowday Bariga Sanaag

0

Magaalada Badhan ee Gobolka Sanaag waxaa maanta ka dhacay Banaanbaxyo looga soo horjeedo Mooshinkii Xilka looga Qaaday Gudoomiyihii Baarlamaanka Puntland Cabdixakiin DhooboDaareed.

Waxgaradka iyo Qaybaha kala duwan ee Bulshada ayaa sheegay inaaan la Qaadan karin Weerarka iyo Xil ka qaadista Gudoomiyaha Baarlamaanka, Waxayna sheegeen inaysan Jirin wax la dhaho Puntland oo Maantana lagu kala tagay.

Guddoomiye Dhoobo,  Waxaa xilka ka qaadistii u codeeyay 49 Xildhibaan, waxaana ka aamusay 4 xildhibaan sida uu ku dhawaaqay Guddoomiye Ku-xigeenka 1aad ee Barlamaanka  Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan oo shir guddoominayay fadhiga maanta oo uusan goobjoog ka ahayn guddoomiyaha xilka laga qaaday.