NRC oo soo bandhigtay tirada dadka ku baracakay dalka baaqna dirtay

0

Hay’adda qaxootiga ee NRC, ayaa sheegtay in fatahaada ka dhacay guud ahaan dalka Soomaaliya ay ku barakaceen 273,000 oo ruux.

Dadka ugu badan ayaa ka barakacay magaalada Beledweyne oo ah halka ay ka dhaceen fatahaada ugu daran oo uu sameeyay wabiga Shabeelle.

Daadadka ayaa bur buriyay qaybo badan oo ka mid ah magaalada Beledweyne, iyadoona ilaa iyo haatan ay jiraan xaafado badan oo dad k go’doonsanyihiin.

Hay’adda ayaa sheegtay in dadka barakacay ay yihiin dad aad unugul oo u baahan caawinaad deg deg ah.

Sidoo kale hay’adda ayaa walaac ka muujisay ku dhawaad 30,000 oo ruux oo ay sheegeen in ka barakaceen magaalada Bardaale oo ay daadad xoog leh ku rogmadeen.