Duqa Muqdisho oo magacaabay guddiga gurmadka fatahaadaha ee webiyada Shabelle iyo Jubba

0

Guddoomiyaha Gobolkan Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) ayaa Magacaabey guddiga gurmadka fatahaadaha ee webiyada shabelle iyo Jubba.

Guddiga oo ka kooban 11-xubnood ayaa laga soo xulay dhamaantood Maamulka Sare ee Gobolkan Banaadir iyo qaar kamid ah Guddoomiyeyaasha degmooyinka Gobolka Banaadir,waxaana ay kala yihiin.

Halkan ka Akhriso guddiga

1: Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed (Filish)
2: Guddoomiye kuxigeenka Maaliyadda Ibraahim Cumar Mahadalle
3: Guddoomiye kuxigeenka Arrimaha Bulshada Basma Caamir Jakeeti.
4: Xoghayaha guud ee G/Banaadir Cumar C/risaaq Xuseen
5: Agaasimaha xiriirka degmooyinka G/Banaadir Mukhtaar Maxamed Axmed.
6: guddoomiyaha Dhalinyarada Gobolka Banaadir Cabdi Kaafu Makaraan
7: Guddoomiyaha Urur Haweenka Gobolka Banaadir Jawaahir Baarqab
8: Gudoomiyaha Degmada Howl-Wadaag Mustaf Cali Kheyre
9: Guddoomiyaha degmada Yaashiid Muuse Geeseey Jimcaale
10: Guddoomiyaha degmada Kaxda Maxamed Yuusuf Maxamed
11: Guddoomiyaha degmada Xamarweyne Cabduqaadir Maxamed Cabduqaadir