Dowladda Itoobiya oo boqolaal qof u xirtay rabshadihii ka dhacay dalkaas

0

Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay in boqolaal qof loo xiray rabshadihii dhowaan ka dhacay qeybo ka mid ah Gobolka Oromada, waxaana rabshadahaas ka dhashay dhimasho iyo dhaawac.

Ciidamada Ammaanka dalka Itoobiya ayaa xabsiga u taxaabay 409 qof oo loo heysto inay ka dambeeyeen rabshadihii maalmihii la soo dhaafay dhacay.

Afhayeen u hadashay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Belene Seyoum Woldeyes ayaa sheegtay in ciidamada amniga wadaan howlgalada ka dhanka ah waxa ay ugu yeertay qaswadayaal.

78 ruux ayay warbaahinta maxaliga soo wariyeen inay ku dhinteen rabshadihii ugu dambeeyay ee ka dhacay dalkaas.

Billene Seyoum ayaa sheegtay in dadka la dilay ay ku dhinteen ficil aan macno laheyn  oo ka dhacay gobollada Oromada iyo Harari, iyo magaalada bariga ku taal ee Dire Dawa.

Waxay intaas ku dartay inay socdaan baaritaanno la xiriira dhimasha iyo tirada dadka la qabtay oo ay sare u kici karto.