Rugta Ganacsiga oo $1Milyan ku deeqday gurmadka Fatahaadaha

0

Rugta Ganacsiga iyo Warshada Soomaaliyeed ayaa ku dhawaaqay in lacag Hal Milyan oo doolarka Mareykanka ah ay uga qeybqaadanayaanFatahaadaha dalka ku dhuftay.

Kulan ay isugu yimaadeen Mas’uuliyiinta iyo Ganacsatada xubnaha ka ah Rugta ayaa waxaa ay sheegeen in isla fadhigaas ku ururiyeen $640,000 islamarkaana inta ka dhiman halka Milyan ay durba soo ururinayaan uguna qeybqaadanayaan Gurmadka dadka Soomaaliyeed ee ay saameeyeen Fatahaadaha Wabiyada Jubba iyo Shabeelle.

Kulanka Xubnaha Rugta Ganacsiga ayaa looga dhawaaqay 15 xubnood Guddi ka kooban oo hagaya deeqda ay bixineyso Rugta Ganacsiga waxaana ay sidoo kale ku sheegeen in lacagtaasi ay tahay wajiga 1aad ee gurmadka.

Guddiga Ganacsatada ay sameeyeen ayaa waxaa ay sheegeen in lacagta ka dhiman Halka Milyan ay ka ururinayaan suuqyada Bakaaraha iyo Suuq Bacaad ee Muqdisho.

Dhinaca kale Culimada Gobolka Bari ayaa shalay ku dhawaaqay in $164,000 oo doollar ay uga qeybqaadanayaan gurmadka Beledweyne.

Culimada ayaa sheegay in lacagtaas ay ka soo hartay gurmadkii sanadkii 2017 ee duufaantii SIMA ee ku dhufatay Gobollada Waqooyi Bari iyo Waqooyi galbeed ee dalka.

Madaxda dalka ayaa iyaguna sheegay in ay mushaaraadkooda bishan uga qeybqaadanayaan gurmadka fatahaadahaa dalka ku dhuftay.

Inkasta oo ay ugu darantahay Magaalada Beledweyne hadddana Fataahadaha waxaa ay saameeyeen oo kale Gobollada jubbooyinka, Gedo iyo Bakool.