QORMO:- DUCAYSANE KHAYRE OO GUUL KASOO GALBIYAY WISHINGTON

0

Nin waliba taariikhdaa qoraysa doorka uu ka qaato dhismaha iyo difaaca dalkiisa hooyo. Nin dumiya,nin hakarada,nin khiyaama,nin shisheeye u looga dalkiisa,nin beeciya oo gada dalkiisa, iyo nin dhisa,nin difaaca,nin dawladnimadaAdeer nin waliba wuxuu yahay oo ka galay taariikh dalkiisa waa mid meel u taal oo laga qoraayo laguna xasuusan doono hada iyo mustaqbalkaba.

Mudane Raysal wasaare Xasan Cali KHayre waa nin dhalin yaro ah,leh aqoon iyo waayo aragnimo shaqo maamul iyo maarayn. Waa nin leh karti iyo hufnaan buuxda oo shaqo. waa geesi waana wadani ah Soomaali oo ka dheer waxa soomaali la haray ee ah qabyaalada.

Waa nin ay aduunyada iyo dunida horumartay ay siiyaan tixgalin aad u heer saraysa maadaama ay fahan san yihiin hawlkarnimadiisa iyo shaqada uu u hayo dalkiisa oo uu kasoo saaray god dheer heerna soo gaarsiiyay iyo xumarmada shacabkiisu u hayo soomaaliyeed,marag ma doonto weeye taariikhda Soomaaliya hore uma dhicin Raysal wasaare la karti iyo wadaniyad ah KHayre.Waana sababta shacabka soomaaliyeed u qadariyaan una jecelyihiin.

Waa dal dhis leh mabda adag oo dalkiisa u tafaxaytay sidii uu uga saari lahaa,kala qoqobka,qabyaalada,faqriga,dawlad la aanta iyo magac xumada. waa nin Qaran oo aragti dheer leh ninkastoo isku dayaa in uu xaqiro ama xaasido macno ma samaynayso maadaama loo wada jeedo wax qabadkiisa iyo wadaniyadiisa xadka dhaaftay. kuwa u adeega shisheeyaha ee doonaya in aysan soomaaliya helin nidaam iyo kala danbayn iyo dawladnimo wuu ka guulaystay ducaysane khayre.

Shacabka quruxda badan ee wadaniyiinta ah ee soomaaliyeed waxay la qaateen raysal wasaarahooda in ay maal iyo nafba ku bixinayaan in dalkeena soomaaliya lagu soo dabaalo amaan iyo dawladnimo iyo kala danbayn oo la helo dawlad soomaaliyeed oo dalka hanata. waxayna balan qaadeen in ay dawlada si buuxda u garab istaagayaan. waxaa shacabka soomaaliyeed oo dhami ogaadeen in aysan anfacayn umada soomaaliyeed waxaan ahayn dawladnimo iyo soomaalinimo. dadkaani waa kasoo daaleen burbur iyo colaado sokeeye imasaa wiilal inooga dhintay macno la aan? kuwaas oo difaaci lahaa dhisi lahaa dalkeena hooyo maanta.

Waan ka xumahay waana ka qiiraysanahay,hadaynu nahay soomaali in aan xajisan waynay xoriyadii iyo dawladnimadii awoow yaalkeen ka soomaali ahaan inoo reebeen iya goo inoo huray naftoo dii iyo maal koodiiba. Anagoo shalayaayna qoomamaynayna khaladkaynu ka galay dalkeena qaranimadeena iyo dawladnimadeenii waxaan diyaar u nahay in aan maanta dib u dhisno xajisano dawladnimadeena,sharafkeena soomaalinimadeena oo u gudbino ilmaheena dal iyo dawlad soomaaliyeed oo xoogleh.

Waxaan illaahay waydiisanaynaa in uu cimrigiisa inoo dheereeyo,dal dhisidiisana iyo dawladnimada uu ku guulaysto Raysal wasaaraha dada yar ee aan aadka u jecelahay Mudane khayre ee naftiisa u huray aayaha umada soomaaliyeed.

DUCAQABE KHAYRE OO KU GUULAYSTAY IN DUNIDU AQBASHAY QORSHAHA DAWLADA SOOMAALIYA

Ducaqabe wuxuu u sharaxay halka ay marayso maamul wanaaga iyo hanaanka dawladnimo ee soomaaliya maanta,madaxdii bangiga aduunka iyo IMF intaba;hanaanka dawladiisa ee maaliyadeed markii uu ku tubtiisa la kala baxay walaalkiis qaaliga ah qaran dhise Dr bayle Wiilka gaaban ee looga haray dhaqaale dajinta! ayaa si yaroo kooban ukala dhig dhigay halkii shalay la joogay iyo halka maanta soomaaliya ay marayso dhaqaalo iyo miisaniyad iyo maamul intaba.

Madaxda meesha fadhiday waa dad aqoon leh markii warkii dhameeyay dhaqaal yahan sare dr bayle ayaa waxaa dhamaystiray ducaqabe khayre taasoo keentay in madaxdii madaxa uun ruxaan! waxayna maqsuud ka noqdeen wax qabadka cad daacadnimada iyo karitda dawlada ducaqabe khayre iyagoo qalinka ku duugay dalabkasta oo kasocda dawlada soomaaliya. sharaf iyo tix galin baa u sugnaatay qofkastoo soomaaliyeed guusha ay soo hoyiyeen madaxdeenu waana u mahad celinaynaa Raysal wasaareheena dada yar ducaqabe khayre iyo maskaxmaalka gaamuray dhaqaal yahan sare khabiir ah dr Bayle.

Soomaaliya waxay noqotay dawlad rasmi ah oo loola dhaqmo karamada u saraysa ee dawladi leedahay arinku maha sidii shalay dalkeena ay madaxda u noqdeen shabakada maafiyada caalamiga ah ee xasan hogaamiyo oo wali dalkeena ka wada qas iyo burburin hanaanka dawladnimo ee hana qaaday,kuwaas oo hadafkoodu yahay u adeega gumaysiga iyagoo xeerinaaya lacag oo kaliya taasoo ay heleen haday waxtarayso!! aduunku hada dawlad buu arkay leh qab iyo sharaf oo dadkooda iyo dalkooda dhisaaya.

Ducaqabe Raysalwasaare Khayre oo IMF madaxa usareeyaa waa Kristalina Georgieva ay u balan qaaday garab istaag dhab ah dawladiisa.Markuu Raysalwasaaraheenu ilaaliyay sharafkiisa shaqsiyan iyo kiisa qaran ee soomaaliyeed ayaa aduunkuna siiyay qiimayn,ogoow hadaba markii isaga la sharafo macnaheedaa ah adigan soomaaliga ah oo shacabka ah ama dawladaba ah ayaa lagu sharfay oo leh sharafkaa.waxaa xusid mudan shalay caalamku soomaaliya umahayn wax niyad ah iyo kalsooni ah u mahayn sharaf iyo karaamayn maxaayeelay kuwii ina matalaayay ee inoo ahaa madaxda ayaa laga arkay in aysan ahayn bini aadan leh damiir iyo xishood kadib markay iibsadeen dalkoodii iyo diintoodii iyo soomaalinimadoodii kuna badasheen doollar.

Sidaa daraadeed qofkastoo wadani soomaaliyeed ah sharaf iyo karaamo iyo magac malahayn maadaama madaxdiisii waxaas liita ahayd ee maangaab ururay ah oo dawlad la aanta ka faa iidaystay! in dalkeena waxaasi ka dhashana maxaa keenay hadaad is waydiiso iska fahan waa dhibkii dawlad la aanta,dalkastoo burbura ayaa maangaabka iyo tuugtu fursad heshaa. waxaadna fahantaa dalalka hada dhisan way joogaan maangaabka iyo tuugtu waana sababta ciidanka booliiska ah loo samaystay dunida hadii lawaayo booliiska tuugii ayaa helaya fursad uu wax ku kharibo sidaynu aragnayba dalkeena inagu dhacday 27 sanadood. doqonta iyo tuugtuna malaha qabiil iyo ehel waa cadaw danayste ah oo kaliya.

Hadaba shalay waa aragnay xasan sheekh maantana waa aragnaa Ducaqabe khayre,Kolkaa ogoow oo iska jir dadku waa sida macaadinta iska garo maartu waa macdan hadana sidaa oo ay tahay la mid maha qalinka dahabna warkiiba iska daa!! xiligii dahabiga ayay soomaaliya maraysaa.

W.Q Yuusuf Cumar