Ilhaan Cumar oo ballan qaadday in ay ka qeybqaadeyneyso gurmadka Soomaaliya

0

Xildhibaanad Ilhaan Cumar oo ka mid ah Golaha Wakiillada Dalka Mareykanka ayaa sheegtay in ay kaalinteeda ka qaadaneyso gurmadka fatahaadaha Soomaaliya.

Qoraal ay ku daabacday Twitterkeeda ayey ku sheegtay in ay aad uga xuntahay waxa ka socda Soomaaliya.

Waxaa ay sheegtay in isbeddelka Cimillada iyo Fatahaadaha ay ugu weynyihiin waxa sababaya dhibaatada ka socota Soomaaliya.

Ilhaan Cumar ayaa sidoo kale ku baaqday in qof kasta kaalintiisa ka qaato arrintan si loogu gurmado dadka ay saameeyeen Fatahaadaha.

Waxaa ay xustay in ay heshay warbixin ku saabsan 180,000 oo qof oo ku barakacay Fataahadaha ku dhuftay Gobolka Hiiraan.

Dalka waxaa guud ahaan ka socda Gurmadka ay sameynayaaan Soomaalida gudaha iyo kuwa dibadda laguna doonayo in lagu garab istaago Soomaalida kale ee ay saameeyeen Fatahaadaha Wabiyada Jubba iyo Shabeelle.