Dowladda oo maanta gargaar geynaysa Beledweyne

0

Wafdi ka socda xubnaha guddiga gurmadka fatahaadaha ayaa maanta waxaa ay ku wajahan yihiin magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan, iyagoona halkaasi gar gaar geynaya.

Shalay ayay aheyd markii wasiirka Warfaafinta  Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo xubin ka ah Guddiga Qaranka ee gurmadka fatahaadaha uu sheegay in gurmad ballaaran ay maanta gaarsiin doonaan magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.

Xubnaha ka tirsan guddiga ayaa maanta waxaa ay deeq gaar siin doonaan dadkii ka barakacay Magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan, kuwaasi oo xiligan ku dhibaateysan deegaanka Ceel jaale ee gobolkaasi.

Webiyada Shabelle iyo Jubba ayaa fatahaad ka sameeyay deegaano ka tirsan gobolada dalka, kuwaasi oo saameyn  ku yeeshay dadka iyo duunyada.