Xeer Ilaalinta Puntland Oo Dacwad Ka Gudbisay Xildhibaan Su’aal Weydiiyay Madaxweyne Deni

0

Xafiiska xeer ilaalinta Guud ee Puntland ayaa Guddoonka Baarlamaanka Puntland u diray waraaq uu kaga Codsanayo in xasaanada laga qaado Xildhibaan Cawil Xasan Daad isla markaana ay ogolaadaan in lagu soo oogo dacwad ciqaab ah

Xildhibaanka ayaa dhawaan furitaankiii Kalfadhiga 45-aad Baarlamaanka dowlad Goboleedka Puntland Su’aallo waydiyey Madaxwayne Saciid Cabdulalahi Deni.

Cawil Xasan Daad ayaa bilowga todobaadkan Su’aal la xiriirta dhanka amniga weydiiyay Madaxweynaha Puntland, taasi oo buuq  ka dhex dhalisay fadhiga Baarlamaanka, iyadoona Madaxweyne Deni Su’aashaas si adeg uga Jawaabay, kadiba isaga oo careysan ka baxay Hoolka Baarlamaanka.