Turkiga oo ka hadlay Fatahaadaha Soomaaliya

0

Dowladda Turkiga ayaa war ka soo saartay Fatahaadda Wabiyada Shabeelle iyo Juba ka sameeyeen Gobollada Dalka Soomaaliya.

War ka soo baxay Wasaaradda arrimaha dibadda Dalka Turkiga ayaa lagu sheegay in dowladda Turkiga ay ka tacsiyeyneyso dhimashada ka dhalatay Fatahaadaha Wabiyada Soomaaliya.

Waxaa ay sheegtay dowladda Turkiga in ay kaalin ka qaadaneyso gurmadka loo sameynayo dadka Soomaaliyeed ee ay barakiciyeen fatahaadaha dalka.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa waxaa uu sheegay in safiirrada Turkiga iyo Qadar uu kala hadlay u gurmashada dadka ay fatahaaduhu saameeyeen isaga oo rajo ka muujiyay in ay jawaab degdeg ah bixin doonaan.

In ka badan 300,000 oo qof ayaa la sheegayaa in ay ku barakaceen Fatahaadaha Gobollada Hiiraan, Bakool, Gedo iyo Jubooyinka.

Meelihii ugu dambeeyay ee Fatahaaduhu ka billowdeen waxaa ka mid ah degaanka Goobweyn ee Gobolka Jubada hoose halkaas oo uu Wabiga Juba uga daro Badweynta Hindiya.