SAWIRO:- Safiirka Shiinaha ee Somaaliya oo Puntland soo gaaray

0

Safiirka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya, Mr. Qin Jian ayaa socdaalkii u horreeyay isagoo gaadiid adeegsanaya ku tagay deegaannada Dangorayo, Qarxis iyo Eyl ee gobolka Nugaal.

Socdaalkan oo sidoo kale ay qeyb ka ahaayeen wasiirro ka tirsan Puntland iyo mas’uuliyiinta shirkadda dhismaha ee Shiinaha laga leeyahay ee CCECC, ayaa waxaa uu ku booqday safiirka Shiinaha waddada Garoowe iyo Boosaaso , halkaa oo ay dhowaan shirkadda Shiineyska ah dhismaha ka billaabo doonto, kaddib burbur waddada soo gaaray.

Wafdiga waxaa kalo uu tagay Qarxis ,Dangorayo iyo Eyl, waxaana ay kormeereen halka uu yaallo qalabka lagu dhisayo waddada xiriirinaysa Dangoranyo iyo Eyl, marka ay gaareen Eyl ayaa sidoo kale wafdi uu tagay halka laga dhisayo marsadda kalluumaysi ee degmada Eyl.