SAWIRO:- Hogaamiye Axmed Madoobe oo booqday deegaano uu ka fatahay Wabiga

0

Hogaamiyaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta kormeer ku tagay deegaano katirsan Gobolka Jubada Hoose oo uu ku fatahay wabiga Jubba.

Deegaanadan ayaa maalin kahor waxaa ka bilowday fatahaad uu samayay wabiga Jubba waxaana Dowlad Goboleedka Jubbaland ay ka bilowday halkaas gurmad deg deg ah kaas oo ay si aad ah ay ugu diirsadeen dadka deegaanadan ku nool.

Waxaa la xiray dhamaan kanaaladii uu wabigu kasoo fatahay taas oo yaraysay Khasaaraha ka dhalan lahaa,waxaana fatahaada oo xili habeen ah bilaabatay ay saamayn ku yeelatay dhul beeredyo kala duwan.

Axmed Madoobe ayaa kormeeray beeraha ay fatahaadu samaysay isagoo qaar kamid ah dadka beeraleeyda ah oo uu la kulmay u sheegay inay garab istaagayaan si khasaaraha gaaray ay uga soo kabtaan.

Sidoo kale Axmed Madoobe wuxuu booqday qaar kamid ah goobaha waxbarashada oo fatahaadu ay saamayn ku yeelatay gaar ahaan deegaanka Goobweyn halkaas oo Madaxweynahu uu ka balan qaaday in balaarin iyo dib u habayn lagu samaynayo iskuulka Goobweyn isagoo mid mid u kormeeray fasalada iskuulkan.