Maxkamadda CQS Oo Xukuntay Mas’uuliyiintii Hore Ee Maxaas

0

Maxkamadda ciidamada qalabka sida  ayaa saaka xukuno kala duwan ku riday mas’uuliyiin hore oo ka tirsan maamulka degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan.

Cali Axmed Guure (Qoyane) iyo Nuur Ibraahim Mahad Alle ayaa lagu wada xukumay dil toogasha ah halka Cabdirxmaan Sheikh Cilmi Cawaale gudoomiyihii hore ee degmada Maxaaas lagu xukumay xabsi daa’in.

Dhammaantood waxaa loo heystaa Qarax uu ku dhintay Guddoomiye ku xigeenkii degmada Maxaaas Rashiid Cusmaan Cabdi qaraax oo degmada ka dhacay 19/04/2019ka.