Madaxwaynaha Ruushka oo Qorsheeyay inuu Imaaraadka iyo Sucuudiga Trump kala wareego

0

Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin ayaa bishan dhexdeedii booqasho rasmiya ku tagay dalka Imaaraadka Carabta, si uu dar-dar gelin cusub ugu sameeyo xiriirka labada dhinac.

Putin ayaa waxa si weyn garoonka diyaaradaha ugu soo dhaweeyay oo qaabilay Amiirka Abu Dubia, ahna dhaxal-sugaha, Mohammed bin Zayed, iyadoona loo sii galbiyay dhanka madaxtooyada dalkaasi.

Bin Zayed iyo Putin ayaa wada-hadalo dheer waxay ka yeeshen sidii ay labada dhinac iskaga kaashan lahaayeen dhinacyada dhaqaalaha, ganacsiga iyo weliba maalgashiga.

Booqashadaasi uu Putin ku tagay dalkaasi ayaa noqoneysa booqashadiisi labaad ee tan iyo 2007 uu ku tagay dalkaasi, iyagoona kulamo badan wada yeeshay, isla markaana hore ugu wadaxiriiri jirey khadka taleefanka.

Waxayna booqashadaasi kaga gadisantahay kuwii hore in Madaxweyne Putin uu socdaal Khaliijka ah uu ku soo maray dalka Sacuudiga, isagoona xiligaasi dowladda Sacuudiga la soo saxeexday heshiisyo muhiim ah oo dhanka iskaashiga ah.

Madaxweyne Putin ayaa u muuqda mid aad u daneynaya dalalka Khaliijka gaar ahaan wadamada Imaaraadka iyo Sacuudiga, oo iyagu waqti xaadirkan saaxiib dhow la ah hogaamiyaha Mareykanka Donald Trump.

Sida ay sheegayaan khabiiro daraaseeya arrimaha siyaasada, dowladaha Sacuudiga iyo Imaaraadka ayaa xaqiiqsan in saaxiibtinimada Trump ay wax badan seejisay, isla markaana la gaadhay waqtigii ay dhinaca saari lahaayeen hogaamiyaha dalka Ruushka.

Dalka Ruushka ayaa Saamayn Xoogan ku leh dalalka Bariga dhexe, Wuxuuna sidoo kale dhowaan shir u Qabtay madaxda dalalka Afrika.