Golaha Aqalka Sare oo maanta kulmaya

0

Senatorada Golaha Aqalka Sare ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa Arbacada maanta yeelanaya mid ka mid ah kulamadooda caadiga ah.

Senatorada ayaa xalay loo qeybiyo fariin lagu farayo in ay soo xaadiraan kulanka maanta 30-ka October .

Ajendaha kulanka maanta ee golaha Aqalka Sare ayaa ah, akhrinta 1aad ee Hindise-sharciyeedka Howlgabnimada, Xaqsiinta, iyo Hibooyinka Xubnaha Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya.