Dowladda Itoobiya oo baddalaysa siyaasaddii ay 30 sano kula dhaqmaysay Soomaaliya

0

Dowladda Federaalka ah ee Dalka Itoobiya ayaa shaacisay in ay isbeddel weyn ku sameyneyso siyaasaddeeda arrimaha dibadda iyo xiriirka Caalamiga ah.

Afhayeenka Wasaaradda arrimaha dibadda dalka Itoobiya Nebiat Getachew,ayaa sheegay in siyaasaddii arrimaha dibadda ee ay ku dhaqmeysay Itoobiya 30kii Sano ee la soo dhaafay ay dhacday islamarkaana aysan la jaanqaadi karin Caalamka.

Siyaasadda arrimaha dibadda Itoobiya ee cusub ayaa waxaa ka mid ah ka fogaanshaha khilaafaadka dalalka deriska, soo jiidashada Maalgashiga, isku xirka amniga Gobolka, isdhexgalka Bulshada Geeska Afrika, dhiirrogelinta isdhaafsiga Aqoonta iyo wixii la mid ah.

“Maalmaha soo aaddan ayaa lagu dhawaaqayaa isbeddelka siyaasadda xiriirka dibadda Itoobiya, maaddaama 24 sano ka hor dadka Itoobiya ahaayeen 60Milyan haddana kor u dhaafeen 100Milyan”ayuu yiri Afhayeen Nebiat Getachew.

Waxaa kale oo uu Nebiat Getachew, sheegay in Dowlad cusub oo koofurta Suudaan ah ku soo biirtay deriska inta ay shaqeyneysay siyaasaddooda hore ee arrimaha dibadda ee dhacday, in Itoobiya iyo Eritrea ausan col iyo nabad midna ahayn 24kii sano ee la soo dhaafay,siyaasaddii Itoobiya ee Soomaaliya iyo kuwo kale ayaa lagu yiri warka ka soo baxay Wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya.

Itoobiya ayaa sheegtay in laga faa’ideysanayo kheyraadka buuxa ee Gobolka Geeska Afrika oo dad iyo maalba leh islamarkaana hadda aan laga faa’ideysan.