DHAGEYSO:-Xildhibaan Ka Tirsan BF Oo Eedeyn U Jeediyey Dowladda

0

Xildhibaan Cabdirisaaq Cumar Maxamed oo horay u ahaa wasiirkii amniga Soomaaliya aayaa eedeyn culus u jeediyey madaxda dowladda Soomaaliya.

Xildhibaanka oo lagu tiriyo qolyaha mucaaradka ah ayaa sheegay in dowladda ay ka gaabisay wax ka qabashada dhibaatooyinka ka jira deegaanada maamulka HirShabelle.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in dowladda looga fadhiyo inay deg deg gurmad ku gaarsiiso dadka Soomaaliyeed ee ku dhibaateysan gobolka Hiiraan.