AKHRISO:- Turkiga oo u yeeray safiirka Mareykanka ee Ankara

0

Turkey ayaa maanta u yeertay safiirka Mareykanka ee Ankara sababo la xiriira qaraar uu meel-mariyey Aqalka Wakiilada Mareykanka oo si rasmi ah u aqoonsaday “xasuuqii Armenia”.

Saraakiil ka tirsan wasaaradda arrimaha dibedda Turkey ayaa sheegay in safiir David Satterfield loogu yeeray xarunta wasaaradda, sababo la xiriira “qaraarkan oo aan lahayn saldhig taariikheed iyo mid sharci toona.”

Aqalka Wakiilada Mareykanka ayaa codeyn ah 405-11 waxa uu talaadadii ku ansixiyey qaraarka oo “xaqiijinaya diiwaan-gelinta Mareykanka ee Xasuuqii Armenia.”

Waa markii ugu horreysay ee Aqalka Wakiilada uu ansixiyo qaraar noocan ah, kadib markii marar badan lasoo hordhigay balse lagu guul-darreystay in la meel-mariyo.

Sharci-dejiyayaasha Mareykanka ayaa sidoo kale meel-mariyey sharci Ankara saaraya cunaqabateyn la xiriirta howl-galkii ay ka fulisay Waqooyiga Syria ee lala beegsaday Kurdiyiinta.

Turkey waxa ay si xooggan u beenisaa eedeymaha la xiriira xasuuqa, waxayna sheegtaa in Armeniyiinta iyo Turkishkaba u geeriyoodeen natiijada Dagaalkii Koowaad ee Adduunka.