AKHRISO:- TOP NEWS Itoobiya oo qabatay rag weerar ka geystay Soomaaliland

0

Dowladda Itoobiya ayaa Gacanta ku dhigtay laba kamid ah rag hubeysan oo habeeno kahor weeraray Saldhig ay Ciidamo katirsan Soomaaliland ku leeyihiin Magaalada Burco ee gobolka Togdheer.

Ilo muhiim ah oo ku sugan deegaano ka tirsan dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa xaqiijiyey in qabashada raggaas, iyaga oo sheegay inay dalbadeen Soomaaliland soo qabashada raggaas.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in dowladda Itoobiya ay raga ay qabatay oo laba gaaraya ay kusoo wareejisay Soomaaliland,isla markaana haatan lagu haayo Saldhiga Magaalada Burco.

Si kastaba weerarkii lagu qaaday Sldhig Ciidamada Soomaaliland ku leeyihiin Magaalada Burco ayaa waxaa horay u sheegtay Jabhad uu hoggaamiyo Nin lagu Magacaabo Suldaan Wabar,kuwaas oo kasoo horjeeda Siyaasada Madaxweyne Muuse Biixi Cabd