AKHRISO:- Dadweynaha Xaafad ka tirsan Muqdisho oo bilaabay inay iska qaadaan dhagxaan lagu xiray jid-cadayaasha

0

Dadweynaha Xaafad ka tirsan Muqdisho ayaa xalay bilaabay inay iska qaadaan dhagxaan xalay lagu xiray waddooyinka jid-cadayaasha loo yaqaan ee xaafadaha soo gala.

Booliska Gobolka Banaadir ayaa xalay bilaabay inuu dhagxaan ku xiro jid-cadayaasha soo gala waddada Sodonka, waxaana saaka dadka ku dhaqan xaafadahaas ku soo tooseen jidcadayaasha oo dhagxaan ku xiran.

Arrintan ayaa noqotay hadal heynta ugu badneyd ee xaafadaha dhaca dhanka Wadada Sodonka oo aanay horay sidan oo kale dhagxaan loogu xirin xaafadadooda.

Dadweynaha ku nool xaafadaha ku dhow Hotelka Lafweyn iyo SIISII ayaa durba bilaabay inay iska qaadaan dhagxaanta lagu xiray jidcadayaasha dhex mara xaafadahooda.

Sawirro la soo geliyay baraha bulshada ayaa muujinaya dadweynaha oo dhagxaanta lagu xiray bartamaha wadada oo iska qaadaya, iyagoo sheegay in aanay ogoleyn jidgooyo iyo in la cunaqabateeyo.

Ciidamada Ammaanka ayaa horay dhagxaan iyo carro ugu xiray jidcadayaasha dhanka Wadada Wadnaha, taasoo muddo labo sano ku dhow xiran, waxaana arrintaas keentay in dadka deegaanka ay halkii ay xaafadahooda meel dhow u mari jireen ka soo wareegaan wadada laamiga iyo Isgoysyada.