AKHRISO:- Ciidamada Ammaanka oo gacanta ku dhigay Shaqsi la baadi goobayay

0

Ciidamada Amniga Degmada Caabudwaaq ee Waqooyiga Gobolka Galgaduud ayaa howlgal ay sameeyeen waxaa ay gacanta ku dhigeen mid kamid ah Shaqsiyaad la baadi goobayey.

Shaqsiga la qabtay oo rag ah ayaa la sheegay in uu ka dambeeyey dagaal shalay lab maleeshiyo Beeleed ku dhexmaray Xaafada Ceel-Gargaar ee duleedka Bari ee degmada Cabudwaaq.

Mid kamid ah Saraakiisha Hay’daha Ammaanka degmada Cabudwaaq ayaa sheegay in Shaqsiga la soo qabtay,isaga oo dhaawac ah kana dambeeyey dagaalkii shalay dhacay oo dhexmaray maleeshiyaad isku heystay dhul,isla markaana uu sababay dhimashada hal Ruux iyo dhaawaca laba kale.

Wararkii ugu dambeeyey ee aan ka heleyno Cabudwaaq ayaa sidoo kale waxaa ay sheegayaan in xaalada Goobtii lagu dagaalamay ay tahay mid degan,isla markaana Odayaasha Dhaqanka degmada ay ku baxeen maleeshiyaadkii dagaalamay.