AKHRISO:- Aqalka Sare Oo Guddi U Magacaabay Fatahaadaha Wabiya Dalka

0

Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta oo ay taariikhdu ku beegan tahay 30-ka Octoober Magacaabay Guddiga gurmadka fatahaadaha Wabiya Shabeelle iyo Jubba.

Guddigan oo uu Magacaabay Aqalka Sare ee dalka ayaa ka kooban 8-xubnood, kuwaasi oo ka qeyb galaya gurmadka loo sameynayo dadka uu saameeyay fatahaadaha Wabiyada Shabeelle iyo Jubba.

Sidoo kale Guddigan ayaa waxaa Guddoomiye u ah guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Aqalka Sare mudane Mowliid Xuseen Guhaad.

Si kastaba Magaalooyin badan oo kamid ah Soomaaliya ayaa waxaa haatan ka socda gurmad xoogan oo loo sameeynayo dadka ku dhibaateysan Magaalada Baladweyne iyo duleedkeeda, kuwaasi oo uu sameeyay fatahaada Wabiga Shabeelle.