SAWIRRO:-Wafdi Ka Socda Xukuumadda Somalia Oo Shir Uga Qeyb Galay Washington

0

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Sadiiq Xirsi Warfaa iyo wafdi la socda ayaa gaaray Magaalada Washington ee dalka Mareykanka.

Sadiiq Xirsi Warfaa ayaa Washington uga qeyb galay Kulan Wasiiro ah oo looga hadlaayay Daryeelka Bulshada iyo Shaqo Abuurka, kaasi oo kasoo qeyb galeen Madax Caalami ah.

Sidoo kale Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Soomaaliya ayaa wada hadallo wax ku ool ah la yeeshay Madaxweyne ku-xigeenka Bankiga Adduunka ee qeybta Afrika, Hafez Ghanem.

Wada hadallada ayaa diiradda lagu saaray dedaallada Xukuumadda Soomaaliya ay ugu jirto horumarinta Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, waxaana Sadiiq Xirsi Warfaa uga mahceliyay Madaxweyne Ku xigeenka Bankiga Adduunka ee Afrika sida wangaasan ee uu u qaabiley.