SAWIRRO:-Shirka Madasha arimaha Bani’aadanimo ee dalka oo ka furmay Muqdisho

0

Shir looga hadlayo Arimaha bini’aadimada ayaa maanta waxaa uu ka furmay magaalada Muqdisho, iyadoona ay ka qeyb galayaan Ururo Caalami ah oo ka shaqeeya arimaha Bini’aadaninada iyo Ururo Gudaha ee ka howlgala Soomaaliya.

Shirkan ayaa sidoo kale waxaa diirada lagu saarayaa xaalada cakiran ee xiligan ka taagan qaar ka mid ah gobolka dalka, iyadoona si gaar ah lagu falan qeynayo fatahaadaha ay sameeyeen webiyada shabelle iyo Jubba.

Wasiirka gargaarka iyo musiibooyinka qaranka Xamza Saciid Xamza ayaa ka qeyb galaya iyo xubnaha guddiga fatahaada webiyada ee dhawaan uu magacaabay R/Wasaare Xasan Cali Kheyre.

Waxaa khudbad heerka fatahaadaha  iyo saameynteeda ka soo jeedin doona Guddoomiyaha Guddiga gurmadka fatahaadaha Xamza.

Sidoo kale shirkan  ayaa waxaa ku sugan Hey’adaha Gargaarka iyo deeq bixiyaal badan, waxaana lagu yaboohi doonaa dhaqaalo badan oo loogu gurman doono dadka ay saameynta ku yeesheen webiyada.