DHAGEYSO:-Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland oo kahadlay Awood Qaybsiga P.land iyo Mooshinka la sheegay in laga wado

0

Mudooyinkii dambe waxaa Jira Warar sheegay in Xukuumadda Puntland ee Madaxwayne DENI uu Hogaamoyo ay diyaarinayso Mooshin ka dhan ah guddoomiyaha baarlamaanka  Puntland Cabdixakiim Maxamed Axmed (Dhoobo Daareed).

Gudoomiye Dhoobo Ayaa  sheegay inaanu Jirin Khilaaf kala dhexeeya Madaxwaynaha Puntland, wuxuuna sharraxaad ka bixiyay waxyaabo badan oo la hadal hayo.

“Aniga iyo madaxweynaha isma hayno, meel aan isku qabanayna ma jirto, meel ay wax nagu dhex mareen oon ku kala tagnay ma jirto, madaxweynaha dhiniciisa in ay wax jiraanna u malayn maayo, way dhacdaa marmarka qaarkood in dadka ay wax kala fahmaan, afkaarahana lagu kala duwanaado”, ayuu yidhi Dhoobo.

Dhinaca kale wuxuu guddoomiyahu sheegay inuu qabo in madaxda Puntland ay u siman yihiin awoodda maamulka. “Saddex kursi baa ugu sarreeya waddanka, waxayna kala yihiin guddoomiyaha baarlamaanka, madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka. Inay isku mid yihiin saddexaas kursi waa wax sax ah, waana arrin iyada laftigeedu dib u eegis u baahan, oo xitaa u baahan dhisiddii Puntland wax ku saleysan. Waxani waa awood qeybsi, awoodduna ma kala hooseyso, dastuurku waa wax la diyaariyay waana in la isugu laabto dib. Kuraastu waa in ama hoos la isugu keeno ama kor la isugu geeyo oo la wada simo awooddooda”.

Warbaahinta allgalgaduud warbaahin dhex dhexaad ah mar kasta kala soco wararka dhanka arimaha Qaranka soomaaliyeed