DAAWO:-Wasiirka Amniga XFS oo furay Shirka Isku xirka Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha dalka

0

Wasiirka amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS) mudane, Maxamed Abuukar Islow (Ducaale) ayaa magaalada Muqdisho ka furay Shirka isku xirka howlaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ee Soomaaliya,kaas  oo Saddexdii biloodba mar la qabto.

Shirkaan ayaa waxaa ka soo qeyb galay Laamaha Hay’addaha socdaalka ee Gobalada, Saraakiisha xarunta dhexe ka howlgala iyo Hay’addaha wada shaqeynta la leh Hay’adda socdaalka oo ay ka mid yihiin Booliska, Gobolka Banaadir iyo Qaar ka mid ah Wasaaradaha.

Shirka isku xirka howlaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya ayaa waxaa looga hadlaa wada-shaqeynta Laamaha kala duwan ee Socdaalka dalka.