SAWIRRO:-Wabiga Shabeelle oo fatahaad hor leh sameeyey

0

Wabiga Shabeelle  ayaa xalay waxaa uu fatahaad horleh ka sameeyey Xaafado katirsan Magaalada Baladweyne ee Xarunta gobolka Hiiraan,halkaas oo dadkii ku noolaa qaarkood isaga barakaceen.

Wabiga ayaa goobaha uu ka fatahay waxaa kamid ah Suuqa ugu weyn Khudaarta ee Magaalada Baladweyne, Xaafada Buundaweyn gaar ahaan laanta Filtare, iyada oo xalay ay ka barakaceen dadkii deganaa halka uu Wabiga ka fatahay.

Sawiro laga soo qaaday Goobaha uu Wabiga uu ka fatahay ayaa muujinayey Biyo farabadan oo yaalla Suuqa Khudaarta lagu Iibiyo iyo xaafadaha qaar ee Magaalada Baladweyne.

Goobaha Ganacsi ee Magalada Baladweyne ayuu saameyn ku yeeshay fatahaada Wabiga,waxaana gebi ahaan saakay xiran Suuqa Khudaarta ee Magaalada baaldweyne.

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Maxamed Carraale ayaa horay sheegay in fatahaada Wabiga Shabeelle ay ka barakaceen in ka badan 50 Kun oo Ruux,sidoo kalena laga cabsi qabo in dad kale ay barakacaan.