Diyaarad Ciidamo Siday Oo Ka Degtay Magaalada Dhuusa Mareeb

0

Wararka aan ka helayno Magaalada Dhuusa Mareeb ayaa sheegaya in subaxnimadii hore ee saaka halkaas ay ka degtay diyaarad ciidamo sidday.

Diyaaraddan ayaa la sheegay in ay ka duushay garoonka diyaaraxaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho,iyada oo sidda ku dhawaad 60-askari oo ka tirsan ciidanka Gor-gor ee dowladda Soomaaliya.

Wararka qaar ee laga helayo magaalada ayaa sheegaya in Ciidamadaa ay yihiin ilaalada gaarka ah ee ra’iisul Wasaaraha xukuumadda fedraalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo la qorshaynayo in uuu gaaro magaalada Dhuusa mareeb ee caasimadda maamulka Galmudug.

Xaaladda Magaalada Dhuusa Mareeb ayaa maanta kacsan waxaana bartamaha magaalada lagu arkayaa gaadiid dagaal iyo ciidamo aad u fara badan wxaana jira jahawareer Siyaasadeed oo u dhaxeeya dowladda iyo hogaanka Ahlu-sunna Waljamaaca.