DHAGEYSO:-Booliska DFS oo ka hadlay Shaqaaqadii ka dhacday Dhuusamareeb

0

Taliska Booliska Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa ay faah faahin ka bixiyeen is rasaaseyntii xalay ka dhacday Magaaladaas taasi oo la sheegay in wax khasaaro ah ka dhalan.

Israsaaseynta xalay ka dhacday Dhusamareeb ayaa timid kadib markii Ciidamo ka tirsan dowladda ay rasaas ku fureen Guri uu ku sugnaa Madaxa Xukuumadda Galmudug Maxamed Shaakir Cali Xasan.

Taliyaha Booliska degmada Dhuusamareeb Cabdullaahi Xasan Macalin ayaa sheegay in xaalada Magaalada Dhuusmareeb ay tahay mid degan,isla markaana wixii ka dhacay ay ahaayeen wax aan sidaasi u weyneyn lana xaliyey.