AKHRISO:- Soomaaliya oo 30 ka dib 1.7 Milyan oo doollar ka heshay Shirkaddo Shidaal

0

Shirkadaha Shel iyo ExxonMobil oo kuleh Soomaaliya Xirmooyin Shidaal ayaa 30 Sano kadib bilaabay bixinta Ijaarka Xirmooyinkaas ayaga oo bixiyay lacag dhan 1.7Milyan oo dollar Sidda uu sheegay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Batroolka Maxamuud Cabdulqaadir Hilaal.

Waxaa uu sheegay in lacagtaan hadda dowladda dhexe ee Soomaaliya ay gacanta ku heyso, islamarkaana Shirkaddahaasi ay diyaar u yihiin in ay dib u soo celiyaan kaalintoodii Shidaalka Soomaaliya.

Maamulka ka lacagtaan waxaa habraac u ah heshiiskii Kheyraadka wadaaga ee DFS Iyo Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda ku kala saxiixdeen Magaalada Baydhabo Sanadkii tagay.